Home WARARKA MAANTA Masuuliyiintii ugu Saameeynta badnaa Villa Soomaaliya oo Shaqo joojin lagu Sameeyay.

Masuuliyiintii ugu Saameeynta badnaa Villa Soomaaliya oo Shaqo joojin lagu Sameeyay.

7
0

Arbaco 12, Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in shaqo joojin kumeel-gaar ah isla marka aanay la caddayn muddada ay socon doonto ku sameeyay saddex mas’uul oo katirsan Villa Somalia.

Xubnahaan ayaa kala ah, Ku xigeenka Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, Maxamed Amiin Sheekh, Agaasimaha Hab maamuuska Hinda Culusow & Kaaliyaha Madaxweynaha JFS Cabdirisaaq British.

Safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maalin kahor ku aaday Dalka Aljeeriya waxaa laga reebay xubnahaan oo la sheegay in shaqo joojintaas kumeel-gaarka ah ay saameysay in ay safarka ku wehliyaan Madaxweynaha JFS.

Dhowr arrin ayaa lagu fasiray sababta shaqo joojintaas kumeel-gaarka ah dhalisay iyo waxa dhaliyay in si degdeg ah loo dhaqangeliyo, wararka xooggooda waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiintaan ay sababsadeen safarkii kan ka horreeyay oo ay kusoo dareen xubno aanay qayb ka ahayn socdaalka Madaxweynaha.

Waxaa la dhowrayaa haddii shaqo joojintaan kumeel-gaarka ah ay isku baddesho mid rasmi ah iyo in ganaaxa intaas loogu simi doonno mas’uuliyiintaan oo kasoo muuqan jiray safarrada kala duwan ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagayay Dalalka Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here