Home WARARKA CAALAMKA Khilaaf Soo kala dhax galay Xisbiga Jamhuuriga iyo Trump.

Khilaaf Soo kala dhax galay Xisbiga Jamhuuriga iyo Trump.

11
0

Axad, 16, Nov 2025 {CBB}Khilaafka u dhaxeeya Donald Trump iyo haweeneyda xisbiga Jamhuuriga ee Marjorie Taylor Greene ayaa cirka isku sii shareertay, taasoo muujineysa in uu burburay xiriirkii u dhaxeeyay madaxweynaha Mareykanka iyo mid ka mid ah difaacyadiisa ugu adag.

Jimcihii, Trump ayaa Greene ugu yeeray “qof xun” qoraal uu soo dhiga baraha bulshada wuxuuna sheegay in ay tahay in aan laga fariisin doorashada sanadka soo socda.

Sabtidii, wuxuu ugu yeeray “khaa’in”. Greene ayaa maalmihii la soo dhaafay su’aal ka keentay in Trump uu wali ku taagan yahay “America First” iyada oo cambaareysay sida uu u maareynayo faylalka Jeffrey Epstein.

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in Goluhu ka baaraan-dego in faylalkaas shacabka loo soo bandhigo iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here