Home WARARKA MAANTA Wasiir Fiqi: Inta uu shaqeynayo adeegga E-Visa hal qof oo Daacish ah...

Wasiir Fiqi: Inta uu shaqeynayo adeegga E-Visa hal qof oo Daacish ah oo diyaarad soo raacay majiro

12
0

Axad, 16, Nov 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in tan iyo markii uu dhaqangalay adeegga E-Visa ee dal ku galka qofka uu soo dalbanayo kahor inta uusan soo safrin uu yareeyay Ajaanibtii badnayd ee dalka iska soo geli jirtay.

Waxa uu soo hadal qaaday ajaanibta katirsan Daacish oo uu sheegay in ay diyaarado soo raaci jireen balse aanay dhicin in qof kamid ah Kooxdaas oo dalka soo galay wixii ka dambeeyay dhaqangelinta adeeggaan E-Visa sida uu hadalka u dhigay.

“Waad aragteen sooma ahan Buuraha Puntland oo lagu qabtay Baasaboorro ajaanib ah oo u badan carabta, kulligood waxa ay ku yimaadeen Diyaarado, inta uu shaqeynayo adeegga E-Visa hal qof oo Daacish ah oo diyaarad soo raacay majiro,” sida uu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa soo jeediyay in aan la cusleysan E-Visa maadaama uu dalka wax badan u taray, sidoo kale waxa uu meesha ka saaray eedaha loo jeediyay adeeggaan ee la xiriira in uu kala fogaynayo Soomaalida, waxa uu arrintaasi ku tilmaamay mid lagu naasnuujinayo ajaanibta dalka la rabo dhibaatooyinka sida uu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here