isniin, 17, Nov 2025 {CBB}Dowladda Kenya ayaa la xaqiijiyay in ay la kulantay weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu beegsaday dhowr Wasaaradood oo kala ah Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Biyaha & Tan shaqaalaha sida laga soo xigtay ilo kala duwan.
Weerarkaan weli si dhab ah looma shaacin xogtiisa iyo cidda geysatay, Xukuumadda Nairobi ayaa billowday qorshe baraarug ah oo ka dhan ah sidii looga hortagi lahaa weerarro kale oo lagu qaado Wasaaradaha iyo xarumaha Dowladda.
Waxaa la howlgeliyay khubarrada ku takhasustay kahortagga weerarrada iyo weliba ka dabatagga marka la weeraro mareegta Dowladda si ay u raadraacaan burcadda geysatay weerarkaan oo saameeyay wasaarado muhiim ah.
Inta badan Weerarrada Internet-ka ee lagu qaado xarumaha muhiimka u ah Bulshada Dalal kala duwan oo Caalamka ayaa la sheegaa in kooxaha geysta ay qaataan lacago madaxfurasho ah inkasta oo dalalka qaar dambiyo ka yihiin bixinta lacagahaas.







