Arbaco 08 August, 2024 {CBB}Waxaa Maanta Magaalada Baraawe Ee Caasimada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Lagu Soo Dhoweeyey Wakiilka Gaarka Ah Ee Golaha Midowga Africa Ahna Madaxa Atmis Danjire Maxamed Al Amiin Souf Iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo.
Masuuliyin Ka Socdey Gobalka Shabeelaha Hoose Iyo Kan Baraawe Ayaa Si Wadajir Ah Usoo Dhoweeyey Danjire Maxamed Alamiin Souf.
Soo Dhoweyn Kadib Waxaa Kulan Laqaatey Xubnaha Maamulka , Sarakiisha Kala Duwan Ee Ciidamada Amaanka Iyo Kuwa Atmis Waxaana Sidoo Kale Kulanka Goob Joog Ka Ahaa Odeyaal Dhaqan Oo Uu Hogaaminaayo Suldaan Heydar Suldaan Suufi Suldaan Mayal Dheere Iyo Qeybaha Kale Ee Bulshada .
Gadoomiye Ku Xigeenka Qorsheynta Gobalka Shabeelaha Hoose , Maamulka Degmada Iyo Salaadinta Ayaa Sooo Dhoweyn Kadib La Wadaagey Amabaasadorka Sida Wanaagsan Ay Uwada Shaqeyaan Bulshada Iyo Ciidanka Atmis Iyaga Oona Xushey Bulshada Deegaanka Ay Ka Saa,Idiyaan Howlo Muhiim U Ah Marka Laga Yimaado Degaalka Alshabaab.
Danjire Maxamed Al Amiin Souf Ayaa Si Wadajir Ah Ugu Mahadceliyey Bulshada Iyo Maamulka Isaga Oo Ugu Baaqey In Ay Ilaashadaan Xasiloonida Ayna Meel Kaga Soo Jeesadaan Degaalka Lagula Jiro Alshabab.