Arbaco Nov 19, 2025 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa dhiggiisa Kenya ku casuumay shirka guddoonka Ururka Bulshada Bariga Afrika ee qabsoomaya May 2026.
Aadan Madoobe ayaa billaabay in uu casumaad u fidiyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga si ay ugu diyaargaroobaan, waxaana mas’uuliyiinta uu la kulmay kamid ah Dhiggiisa Kenya Moses M. Wetang’ula.
Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa dhexgashay hay’adaha kala duwan ee Ururkaas, waxa ay si joogta ah u xaadirtaa shirkooda waxaana dhowaan la magacaabay Xildhibaannada ku metalaya Baarlamaanka EAC.







