Khamiis 20 Nov 2025 {CBB} Maanta, Maxkamadda Gobolka Mudug, qeybteeda darajada koowaad, ayaa si rasmi ah u bilaabaysa dhagaysiga kiiska dilka naxdinta lahaa ee gaaray gabadh yar oo dhawaan lagu diley magaalada Gaalkacyo.
Kiiskaan waxaa loo haystaa haweeneydii guriga ka shaqaysan jirtay ee marxuumadda daryeeli jirtay, taas oo maalmo ka hor ay ciidamada amniga u xireen eedeymaha ka dhanka ah falka dilka ah.
Haweeneyda la eedeynayo ayaa horey baraha bulshada ku soo muqatay iyada oo tacaddi iyo jirdil ku sameynaysa marxuumadda, isla markaana uu muuqday aflagaado iyo dhibaato nafsiyeed oo ka horreysay geerida gabadha yar.
Maxkamadda ayaa maanta bilowday dhagaysiga garmaqalka kiiska, waxaana la filayaa in la soo bandhigo caddeymo dheeri ah, iyadoo qoyska marxuumadda iyo bulshada reer Gaalkacyo ay si dhow ula socdaan hannaanka garsoorka ee kiiskan culus.
Maxkamaddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga in ay soo gudbiyaan dhammaan caddeymaha iyo markhaatiyaasha muhiimka ah si loo xaqiijiyo cadaaladda loo hayo geerida gabadha yar ee bulshada gilgishay.







