Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Shiikh “Cumar Cartan wuxuu sare u qaaday magaca Ummadda Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Shiikh “Cumar Cartan wuxuu sare u qaaday magaca Ummadda Soomaaliyeed”

5
0

Khamiis 20 Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu soo hooyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan, kaasi oo ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sannadka ee Afrika 2025, taas oo lagu bixiyay xafladdii CAF Awards ee ka qabsoontay magaalada Rabat ee dalka Morocco.

“Garsoore Cumar waa astaan muujinaysa xirfadda iyo dedaalka dhallinyaradeenna, waana guul uu sare ugu qaaday magaca Soomaaliyeed fagaarayaasha caalamka.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh

Garsoore Cartan ayaa abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika CAF, isagoo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah kuna guulleysta abaalmarinta qaaliga ah.

Dhinaca kale, Ururka Kubadda Cagta Afrika ayaa bixiyay abaalmarino ay ka mid yihiin Ciyaaryahanka ugu Fiican Afrika oo uu qaaday Fiston Mayele iyo Goolhayaha ugu Fiican 2025 oo la guddoonsiiyay Yassine Bounou.

Sidoo kale, Xulka Kubadda Cagta Masar ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kooxda ugu Fiican Afrika kadib guulo ay gaareen CAF Champions League iyo Super Cup.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here