Jimco 21, Nov 2025 {CBB}Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa maanta hadal u jeediyay shacabka Ukraine , isagoo taagan bannaanka madaxtooyada Ukraine, muuqaal aad ugu eg khudbaddiisii maalintii uu Ruushku duullaanka billaabay ee 24-kiibishii Febraayo 2022.
Hadalkiisa maanta wuxuu ku muujiyay walwal ku saabsan marxaladda cusub ee Ukraine ay wajahayso.
Zelensky wuxuu sheegay in Ukraine ay ku jirto mid ka mid ah waqtiyadeeda ugu adag taariikhda, isaga oo tilmaamay in dalku hadda wajahayo go’aan aad u culus oo ah labada daran mid dooro; luminta sharafta Ukraine ama halista in Ukraine ay lumiso xulufada ugu muhiimsan dagaalka oo ah Mareykanka.
•Ukraine lagu qasbay inay aqbasho 28 qodob oo aad u culus, ama ay gasho dagaal ay keligeed ku tahay.
•Halista sii kordheysa inay noqon karto mid khatar gelisa xornimo iyo sharafka Ukraine.
Wuxuu markaa caddeeyay inan mar kale lagu kalsoonaan karin dammaanad kasta , maaddama horey Ukraine loo siiyay dammaanad ah in Ruushka uusan soo weerarri doonin, taa oo dhacday.
Khudbaddiisa ayaa u muuqatay digniin ku wajahan shacabka, xulafada reer galbeedka, iyo ciddii shaki ka qabta adkeysiga Ukraine, xilli taageerada Maraykanka ay mugdi gashay, kana dhalatay dood siyaasadeed oo gudaha Washington ah.
Hadallada Zelensky waxay muujinayaan cabsi ah in go’aannada la qaadan doono maalmaha soo socda ay go’aamin doonaan mustaqbalka dagaalka, awoodda ay Ukraine ugu adkeysan karto duullaanka Ruushka, iyo heerka taageerada caalamiga ah ee sii jiri doonta jiilaalka soo socda.
Mareykanka iyo Ruushka , waxaa ay wada diyaariyeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Ukraine oo aan dookh kale la siin Zelensky, oo xataa loogu hanjabay in haddii uu diiddo si toos ah loo beegsan karo isaga , lana siin doonin fursad uu uga baxsado Ukraine . Heshiiska wuxuu dhigaya in Ruushka uu helo dhul, ciidanka Ukraine tiradooda hoos loo dhigo iyo in hubka casriga ah laga saaro gudaha Ukraine.







