Home WARARKA CAALAMKA Madaxweyne Trump oo Amray in lasoo Afjaro Colaadda Ukraine.

Madaxweyne Trump oo Amray in lasoo Afjaro Colaadda Ukraine.

13
0

Sabti 22, Nov 2025 {CBB} Donald Trump ayaa ugu baaqay Ukraine inay aqbasho qorshaha maamulkiisu soo jeediyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, taasi oo ay ku jirto in Ukraine ay dhul ka tanaasusho. Wuxuu sheegay in madaxweyne Volodmyr Zelensky ‘’qasab ku noqon doonto inuu raali ka noqd.’’

Wuxuu intaasi ku daray in Khamiista soo socoto ay noqon doonto wakhti ku haboon oo lagu aqbalo soo jeedinta Maraykanka, ayna u muuqato soo jeedinadu ay taageerayaan dhowr kamd ah dalabaadka Moscow.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa taageeray qorshaha Maraykanka. Balse ra’iisul wasaaraha Britaine Keir Starmer ayaa sheegay in heshiis kasta uu khasab ku yahay inuu ilaaliyo madax-banaanida Kyiv.

Wuxuu sheegay in xulufada Yurub ee Ukraine ay ka wada hadli doonaan siyaabaha loo xoojin karo soo jeedinta intii lagu guda jiray shir madaxeedka G20 ee toddobaadkan ka dhacay Koonfur Afrika,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here