Sabti 22, Nov 2025 {CBB}Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).
Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.
Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.







