Axad 23, Nov 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dakhliga gudaha uu kordhay 80% saddexdii sanno lasoo dhaafay kaddib markii Dowladdu ay xoogga saartay arrintaan.
Biixi Iimaan ayaa sheegay in tani ay meesha ka saarayso isku halaynta dakhliga dibadda ee lagu kabo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana fursad dhaqdhaqaaq dhaqaale ay u tahay Dalka iyo Dadkaba sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa intaas ku daray in Wasaaraddu diyaarisay xeerar cusub oo sii dhaqaajinaya fursadaha lagu gaari karo in sare loogu sii qaado dakhliga gudaha.
“Xoogga waxa aan saarnay in kor loo qaado daqliga gudaha, intii la’isku halleen lahaa daqliga dibadda, waxaan diyaarinnay xeerar cusub, taas oo keentay in daqliga gudaha 80% uu kordhay saddexdii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda XFS
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ka fogaaneyso qaadashada lacagaha daynta sidaas awgeed ay xoogga saartay dakhliga gudaha si loo kordhiyo dhaqaalaha kasoo galaya oo lagu xoojinayo kabka Dowladda.







