Jimco 28, NovĀ 2025 {CBB}Uganda ayaa si rasmi ah toddobaadkan ugu dhawaaqday inay joojisay diiwaangelinta qaxootiga ka soo jeeda dalalka Soomaaliya , Itoobiya iyo Eritrea, sabab la xiriirta inay taageerrada joojiyeen dalalkii qaxootiga kaalmada siin jiray, sida uu sheegay wasiirka qaxootiga Uganda, Hilary Onek.
Tallaabadan waxay ka dhigantahay inaysan jirin doonin qaxooti cusub oo ay Uganda qaadanayso gaar ahaan dalalka ay Soomaaliya ka mid tahay , tana waxay soo gabagabeynaysa kaararka qaxootiga ee ay qaadan jireen Soomaalida doonaysa inay xareystaan nidaamka Group 5 ee Canada iyo fursadaha kale ee ay heli jireen dadka heysta kaararka qaxootiga.







