Jimco 28, NovĀ 2025 {CBB}Saddex qof oo u dhalatay Shiinaha ayaa maanta lagu dilay xadka Tajikistan iyo Afgaanistaan, markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu qarxiyay warshada sifeysa macdanta oo ay ka shaqeynayeen shaqaale u dhashay Shiinaha , iyadoo dawladda Tajikistan ay sheegtay in weerarka laga soo qaaday gudaha dalka Afgaanistaan.
Shiinaha ayaa sidoo kale sheegay inay sameynayaan baaritaan la xiriira weerarka lagu dilay muwaadiniintiisa.
Horey weerarro laga soo qaaday Afgaanistaan ayaa ka dhacay xadka Pakistan, markan waa Tajikistan, taa oo indhaha ku soo jeedinaysa maamulka ay hoggaamiyaan Taalibaan ee dalka Afgaanistaan oo loo soo bandhigi karo inay hadda khatar ku yihiin gobolka koonfurta Aasiya.







