Home WARARKA MAANTA Naadiya Maxamed duqa St. Louis Park oo Difaacday Soomaalida Mareykanka.

Naadiya Maxamed duqa St. Louis Park oo Difaacday Soomaalida Mareykanka.

6
0

Sabtii 29, NovĀ  2025 {CBB}Naadiya Maxamed, oo ah duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa farriin u dirtay dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada ayaa waxaa ay dadka ugu sheegtay in maalmahaan ay soo bateen tallaabooyinka ka dhanka ah dadka Soomaalidu ay ka mid tahay oo ay sameynayaan dadka soo galootiga neceb.

Waxey kula talisay bulshada Soomaalida ah in haddii saraakiisha Laanta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamada ee Mareykanka ee magacooda loo soo gabaiyo (ICE) ay guriga dadka ugu yimaaden in aysan albaabada furin isla markaana ay muuqaallo ka duubaan si caddeyn ay ugu noqoto.

Waxey sheegtay in ICE ay waddo cabsi galin iyo beegsi ku saabsan Soomaalida, hase yeeshee waxaa ay sheegtay in qofka marka ay guriga ugu yimaadan uu sidoo kale dad wacan karo sida qareennadiisa.

Hadalka duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa imaanaya xilli Trump uu saacadihii la soo dhaafay Soomaalida gobolkaas, ugu tilmaamay kuwo dhibaato badan oo Minnesoto la wareegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here