Home WARARKA MAANTA Duqa Magaalada Baydhabo oo Guddoomiyey Kulan Degdeg ah oo Looga Hadlay Ka...

Duqa Magaalada Baydhabo oo Guddoomiyey Kulan Degdeg ah oo Looga Hadlay Ka Hortagga Fatahaadaha

1
0

Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Baydhabo – Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, oo sidoo kale guddoomiye u ah Guddiga Ka Hortagga, Qiimeynta, Diyaargarowga iyo Wacyigelinta Khataraha Fatahaadaha El Niño ee heer degmo, ayaa guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay xoojinta ka hortagga fatahaadaha iyo qiimeynta saameynta roobabkii xalay ka da’ay magaalada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee magaalada kaddib roobabkii xalay da’ay, dardargelinta howlaha ka hortagga fatahaadaha iyo dejinta qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yareynayo khataraha ka dhalan kara roobabka xooggan iyo daadadka.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay howlgelinta guddiga, qiimeynta xaafadaha ay sida weyn u saameeyeen roobabkii da’ay iyo sidii loo xoojin lahaa diyaar-garowga degdegga ah ee looga hortagayo fatahaadaha.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagu falanqeeyey waxaa ka mid ahaa furitaanka iyo dhammaystirka goobaha xiran ama ay ka socdaan dhismayaasha, si biyaha roobku u helaan marinno furan oo ay maraan, loogana hortago isku-uruurka biyaha iyo fatahaadaha ka dhasha.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo qiimeeyo xaaladda xaafadaha ay roobabku saameeyeen, kor loo qaado wacyigelinta bulshada ee khataraha fatahaadaha, isla markaana la diyaariyo goobo ku-meel-gaar ah oo lagu dejin karo dadka ay saameeyaan roobabka iyo daadadka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyey dejinta qorshayaal iyo hawlgallo cusub oo lagu xoojinayo ka hortagga fatahaadaha, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah iyo isku-duwidda howlaha guddiga, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara roobabka xooggan.

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa dadaalladan ku xoojinaya diyaar-garowga magaalada ee xilliyada roobabka, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo badbaadinta shacabka, ilaalinta hantida iyo fududeynta socodka biyaha roobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here