Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Wasaaradda Awqaafta Koonfur Galbeed oo Baraawe ku soo xirtay Tababar ku Saabsan...

Sawiro;-Wasaaradda Awqaafta Koonfur Galbeed oo Baraawe ku soo xirtay Tababar ku Saabsan Nabadda iyo Dhexdhexaadinta Bulshada

1
0

Sabtii 10 Oct 2026 {CBB}Baraawe – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee  Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baraawe ku soo xirtay tababar muddo saddex maalmood ah u socday culimada, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Baraawe.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray doorka culimada ee dhexdhexaadinta iyo wada-hadalka bulshada, xallinta khilaafaadka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga rabshadaha. Tababarka waxaa taageertay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP).

Isku-duwaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee degmada Baraawe, Cabdulkadir Maxamuud Aweys, ayaa sheegay in tababarku ka-qaybgalayaasha siiyey aqoon muhiim ah oo ay uga qayb qaadan karaan wacyigelinta bulshada, xallinta khilaafaadka iyo xoojinta nabadda deegaanka.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Mubaarak, ayaa ka hadlay muhiimadda tababarka iyo kaalinta ay culimada iyo bulshada ku leeyihiin yareynta rabshadaha, dhiirrigelinta wada-hadalka iyo dhismaha bulsho nabad ku wada nool.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka, isaga oo ka-qaybgalayaasha kula dardaarmay inay aqoonta ay kororsadeen u gudbiyaan bulshada, kana shaqeeyaan xoojinta nabadda, wacyigelinta dadweynaha iyo ka hortagga rabshadaha.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo doorka culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta wada-noolaanshaha bulshada degmada Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here