Home WARARKA CAALAMKA Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Eretareeya & Madaxa ugu sarreeya Suudaan?

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Eretareeya & Madaxa ugu sarreeya Suudaan?

0
4

Axad , 30 Nov, 2025 {CBB}Magaalada Port Sudan oo ay ku shaqeyso Xukuumadda waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dalka Eretareeya Isaias Afwerki, waxaa soo dhaweeyay Dad loo sii diyaariyay in kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ka tarjumaya cilaaqaadka labada Dal.

Xiriirka Labada Dal waa Suudaan iyo Eretareeya ayaa muddooynkii dambe xooggaystay, Khartuum ayaa dhiggeeda Asmara dooneysa in ay ka dhigato isbahaysi xooggan oo ka gacansiiya ka gudubka xaaladaha adag ay wajahayso.

Afwerki iyo madaxa ugu sarreeya ee Suudaan Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan oo ay la socdaan wasiirro katirsan labada Xukuumadood ayaa kulamo gaar gaar ah kuwada qaatay Madaxtooyada sida kumeel-gaarka ah Dowladdu ugu shaqeyneyso.

10kii April sanadkaan, Janaraal Cabdifitaax Al-Burhaan ayaa booqday Dalka Eretareeya, waxaa xigay socdaal uu Ra’iisul Wasaare Dr Kaamil Idriis uu ku tagalay 9kii & 10kii Oktoobar sanadkaan 2025 Magaalada Asmara.

Suudaan oo dareemeysa culayska xooggan ee Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo iyo taageerrada ay ka heleyso Dalalka kala duwan oo Imaaraatka ugu horreeyo ayaa dooneysa sidii ay u aasaasi lahayd isbahaysi ka dhan ah culayskaas saaran.

Eretareeya oo qudheeda dareemeysa culayska dhinaca Itoobiya uga imaanaya ayaa dooneysa in ay muujiso galaangalka ay ku leedahay dalalka qaar sida Suudaan oo xuduud la leh Itoobiya sida ay u muujiso saaxiibtinimada kala dhaxeysa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here