Isniin, 1 Dec, 2025 {CBB}Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa shaaciyay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH Somalia) ay si dhow ula socdaan xaaladda cudurka halista ah ee Marburg, kadib markii dowladda Itoobiya ay xaqiijisay kiisaska laga helay deegaanka Jinka.
Wasiir-ku-xigeenka oo bulshada Soomaaliyeed la wadaagay fariin feejignaan ah ayaa sheegay in inkastoo aan Soomaaliya weli laga diiwaangelin hal kiis, hadana Machadka Cafimaadka uu qaaday tallaabooyin degdeg ah oo ka tarjumaya diyaar-garow heer sare ah.
Tallaabooyinka ay qaadeen waxaa ka mid ah: Xoojinta la socodka iyo kormeerka caafimaadka, Diyaargarowga jawaab celinta degdegga ah, Wacyigelinta bulshada, Xiriir joogto ah oo lala leeyahay hay’adaha caafimaadka caalamiga ah, sida WHO.
Dr. Maxamed ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya xogwadaag hufan taas oo uu sheegay inay gacan ka geysanayso difaaca caafimaadka shacabka labada dal iyo guud ahaan gobolka.
“Badbaadada shacabka Soomaaliyeed waa mas’uuliyaddeenna koowaad, Waxaan sii wadi doonaa shaqada adag, iskaashiga gobolka iyo laamaha WHO, si loo hubiyo in dalka u diyaar garoobo halis kasta oo cudur faafa ah,” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka.



