Home WARARKA MAANTA Ciidamada huwanta oo Fasaxay gaadiid ku xayirnaa inta u dhexeysa Yaaqbariweyne iyo...

Ciidamada huwanta oo Fasaxay gaadiid ku xayirnaa inta u dhexeysa Yaaqbariweyne iyo Leego.

0
3

Talaado, 2 Dec, 2025 {CBB}Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ayaa hawlgal balaaran oo amni xaqiijin ah ka fuliyay inta u dhaxaysa deegaanka Yaaq-Birweyne iyo Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo halkaas ka qaaday jidgooyooyin lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka xamuulka.

Inta uu socday howlgalka ayaa sababay in lasii daayo gaadiid xamuul badan oo hore ugu xayirnaa jidka, kuwaas oo u babac-dhigtay dhibaatooyin ka dhashay isbaarooyinka sharci darrada ah ee halkaasi yaallay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ay heleen xog muujineysa in maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan duleedka Wanla-Weyn ay wada shaqeyn la leeyihiin kooxda al-Shabaab, taasi oo keentay in la adkeeyo howlgallada amni ee ka socda gobolka.

Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Axmed Gaashaan, ayaa sheegay in howlgalka isbaaro qaadista uu sii soconayo, isla markaana ay wadaan baaritaanno iyo soo qabashada rag maxkamadda ciidamada qalabka sida ay hore ugu xukuntay dil toogasho, kuwaas oo weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah gobolka.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here