Arbaco, 3 Dec, 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa ka qaybgalay shr heer caalami ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha Dalka oo lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.
Biixi Iimaan Cige ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya diiradda ay saartay hagaajinta nidaamka Maaliyadda isla markaana la xoojiyay iskaashiga ka dhex jira Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo Hay’adaha kale ee garabsiiya arrintaan.
Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dalka oo la socday wafdiga Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay marxalado adag oo dhinaca dib u habaynta dhaqaalaha ah.
Waxa uu intaas ku daray in la taagan yahay waqtigii laga faa’iidaysan lahaa dedaallada muddada dheer socday, waxaana uu carrabka ku dhuftay nidaamka lagu saldhigay hannaankaan uu yahay mid iskaashi & wadashaqayn ku yimid.
Soomaaliya ayaa horay uga gudubtay shuruudihii adkaa ee markii dambe sababta u noqday in laga cafiyay dayntii waqti dheer ku taagnayd, waxaa loo gudbay hirgelinta hannaanka lagu sii hagaajinayo nidaamka Maaliyadda Dalka.



