Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB}Maareeyaha Xafiiska Dakhliga Dawladda Hoose ee Addis Ababa, Mr. Biniam Michiru, ayaa shir jaraa’id ku faahfaahiyay kaamirado lagu rakibay dharka shaqaalaha canshuur aruuriyaasha ah iyadoo la raacayo habraacyada xafiisku u dejiyay si loo xoojiyo ururinta dakhliga si cadaalad ah, cabashooyinka jirana loo xalliyo, sidoo kalena loo waafajiyo fulinta howlaha dib-u-habaynta hay’adda.
Xafiisku wuxuu ku sheegay bayaan uu soo saaray in ay suurtagal tahay in si hufan oo cadaalad leh loo ururiyo dakhliga horumarinta magaalada, isla markaana loo xalliyo cabashooyinka ay canshuur-bixiyayaashu ka keenaan go’aannada canshuurta, iyada oo la hirgelinayo 24 habraac oo gaar ah.
Waxaa la rumeysan yahay in tallaabadan ay mas’uuliyiinta ka caawin karto ciribtirka musuqmaasuqa, xatooyada iyo wax isdaba-marinta, liyadoo arrintaan lagu hirgeliyay iskaashi lala yeeshay shirkadda ENSA.
Kamaraduhu waxay si toos ah u duubayaan muuqaalka, waxeyna u dirayaan xarunta dhexe iyo laamaha kale ee xafiiska.
Waxa kale oo lagu sheegay in canshuur-bixiyayaal badan ay hore u soo sheegeen in si aan cadaalad ahayn loo ganaaxay, halka qaar ka mid ah kormeerayaasha lagu eedeeyay inay laaluush qaataan.
Xafiisku wuxuu sheegay inuu baaritaan ku sameeyay cabashooyinkan, isagoo adeegsanaya habab lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka iyo in nidaamku noqdo mid hufan oo cad.







