Khamiis, 4 Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin Arrimaha Amniga, xaaladaha abaareed ee ka jira qaybo ka mid ah Jubaland, iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan amniga Jubaland iyo howlgallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay qorshayaasha looga hortagayo maandooriyaha iyo waxyaabaha la midka ah, iyadoo la faray Hay’addaha Amniga inay tallaabooyin ka qaadaan dadka ku lug leh soo dhoofinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha.
Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka ayaa soo jeedisay warbixin la xiriirta xaaladda abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee dadka ay saameysay.
Dhanka kale, Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska & Xuquuqul Insaanka ayaa Golaha horgeysay warbixin ku saabsan ololaha 16-ka maalmood ee u doodista xuquuqda aadanaha, oo lagu soo bandhigay guulaha la gaaray iyo howlaha socda.







