Jimco 05, Dec 2025 {CBB} Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in billowga sanadka soo socda ee maalmaha kooban ka harsan ee 2026 ay billaabayso soosaarka shidaalka Soomaaliya iyada oo keliya sugaysa natiijada baaristii lagu sameeyay oo ah mid heer gabagabo ah.
Wasiirka Khayraatka Turkiga, Alparsan Bayraktar ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowladdiisa ay kusii dhawaanayso soosaarka shidaalka Soomaaliya ee horay sahanka loogu sameeyay Xeebaha Dalka sida uu hadalka u dhigay.
Bayraktar ayaa intaas ku daray in baaristii 3 xagalka ahayd ee uu sameeyay Markabka Oruc Reis Oktoobar sanadkii hore 2024 la hayo natiijadiisa, keliya inta kooban ee dhiman la sugayo maalmaha soo socda kaddibna janaayo 2026 shaqada la billaabayo.
Turkiga ayaa rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato shidaalka iyo macdanta kale ee dabiiciga ah ee dalkeeda laga soosaarayo, waxaana baaristaan lagu gaaray dhul gaaraya 5,000 oo Kiilo-mitir oo labo-laaban.
“Sanadkan waxa aan samaynay hawlgallada dhulka shidaalka laga helay lagu ogaanayo, dabcan sanadka soo socda 2026 ayay noqon doontaa shaqada qodista Badda Soomaaliya,” ayuu yiri Alparsan Bayraktar, Wasiirka Khayraatka Turkiga.
Waxa uu xusay in duruufaha dhanka Amniga ah ay qasbeen in muddo 10 bil ah ay ilaalo xooggan geliyeen Markabkooda sahanka ee ogaaday natiijada lagu dhaqaaqayo laguna soosaarayo shidaalka & macdanta kale ee dabiiciga ah ee Soomaaliya.
“Dufuuraha dhinaca Amniga oo laga war hayo, dabcan waxa aan ku qasbanaanay in aan muddo 10 bil ah ilaalino Markabkeenna Oruc Reis,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Khayraatka & Macdanta Turkiga, Alparsan Bayraktar.
Caqabadaha ay kala kulmeen gaarista ceelasha shidaalka ayuu xusay in aanay xitaa jirin jidad ama marin loo mari karay, waxa uu intaas ku daray in hadda dhammaan culayskaas la xaliyay oo la sameeyay dhabbihii loo mari lahaa ceelashaas.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay mar uu uga hadlay arrinta shidaalka Soomaaliya waxa uu sheegay in shirkadda sahanka samaysay ee dhowaan qodi rabta in ay la wadaagto muuqaallo muujinaya Shabaak iyo qashin badan oo lagu dul daadiyay goobaha oo shaqo adag laga qabtay.







