Jimco 05, Dec 2025 {CBB}Dowladda Masar waxay soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca ismiidaamiya oon aan duuliye- lahayn lana yidhaahdo “Jabbar 150,” taas oo ah ah tii ugu horreesay ee gebi ahaanba gudaha dalkeeda lagu sameeyo, sida ay sheegtay shirkad gaar loo leeyahay oo ka qeyb-galaysa bandhigga warshadaha difaaca “EDEX,” oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Difaaca ee Masar.
Soo-saareyaasha ayaa sheegay in Jabbar 150 ay leedahay awood weerar oo sarreysa, maadaama ay u duuli karto masaafo gaadheysa 1,500 kiiloomitir, iyadoo xawaare ahaan gaari karta 200 kiiloomitir saacaddii, isla markaana hawada ku sii jiri karta ku dhowaad toban saac oo xidhiidh ah. Sidoo kale waxay qaadi kartaa 40 ilaa 50 kiiloo oo qalab dagaal ah.
Diyaaraddan waxay ku shaqeysaa GPS iyo Inertial Navigation System (INS), taas oo u oggolaanaysa inay bartilmaameedka hesho iyadoo adeegsanaysa dareemeyaasha kulaylka haddii GPS-ku carqaladoobo.
“Jabbar 150” waxay noqonaysaa noocii ugu horreeyay ee taxane cusub oo qalabka ismiidaaminta ah oo sidoo kale ka mid yihiin “Jabbar 200” iyo “Jabbar 250.”
Ka dib guuldarradii 1948 [dagaalkii Carabta iyo Israa’iil], Masar waxa ay diyaarisay mashruucii ugu ballaadhnaa ee taariikhdeeda si ay gudaha ugu soo saarto hubkeeda, iyadoo oggolaansho ka haysata Britain iyo Maraykanka sida ku cad dukumiintiyada Biritan.
Qaahira: “Ciidamada jooga Siinaay waxay ujeedkoodu ugu horreeyo yahay inay sugaan xuduudaha Masar kana difaacaan khatar kasta,” iyadoo dowladda maanta isu diyaarinayso inay aqoonsato Dowladda Falastiin.
Ciidamada Difaaca Masar
Bishii Agoosto 2025, hay’adda Global Firepower waxay soo saartay qiimeyntii sanadlaha ahayd ee ciidammada ugu xoogga badan dunida ee sanadka 2025, kadib daraasad lagu falanqeeyay 145 dal oo lagu salaynayay in ka badan 60 qodob, oo ay ku jiraan awoodda milatari, dhaqaale iyo tan sahayda (logistics).
Dunida Carabta gudaheeda, ciidanka Masar ayaa sii hayay kaalinta koowaad, waxaana uu ku jiray kaalinta sagaal iyo tobnaad ee caalamka.
Qiimeynta oo Masar siisay “0.3427”, ayaa muujinaysa inay weli ka mid tahay 20-ka ciidan ee ugu xoogga badan dunida, inkasta oo ay hoos uga dhacday toban boos afar sano gudaheed marka la barbar dhigo qiimeyntii 2020 oo ay ka gashay kaalinta sagaalaad ee caalamka.
Xigasho BBC








