Talaado, 9 Dec 2025 {CBB}Dhul-gariir cabirkiisa lagu sheegay 7.5 Magnitude ayaa ku dhuftay Dalka Japan gaar ahaan Waqooyi bari, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 qof, weli lama soo gudbin xog la xiriirta dhimasho.
Dhulka uu saamaynta taban ku reebay dhul-gariirkaas waa 80 kiilomitir oo ay ku jirto Xeebta Gobolka Amori sida ay sheegtay Hay’adda Saadaasha Hawada ee Dalka Japan oo warbixin hordhac ah kasoo saartay aafadaan.
Waxaa jira digniin culus oo dadka lala wadaagay maadaama saadaashu ay muujinaysay in dhul-gariirku saamayn karo dhul-baaxad weyn, tani waxa ay sababtay in dad badan ay guryahooda isaga baxaan sidaasina uu ku yaraado khasaaraha.
Guryo badan ayaa korontada ka maqan tahay, waxaa loo jaray adeeggaas si aanay waxyeello uga soo gaarin Dadka, sidoo kale waxaa hakad galay isu socodka Tareennada oo cabsi laga muujiyay halista ka imaan karta dhinaca waddooyinka ay maraan.
La soco wixii kasoo kordha



