Arbaco 10, Dec 2025 {CBB} Dab ka kacay dhismo dheer oo ku yaalla caasimadda Indonesia ayaa ugu yaraan labaatan qof ku dhimatay.
Taliyaha booliska Jakarta ayaa sheegay in dab-damisyadu weli baarayaan dhismaha si ay u raadiyaan dadka suurtagalka ay tahay in ay ku dhex xayiranyihiin.BBC-du waxay soo warisay in mas’uuliyiintu sheegeen in dabku u muuqdo inuu ka bilowday kadib markii baytari ku qarxay shirkad soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ku dhex taalla dhismaha.
Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen haween, midkoodna ay uur lahayd, islamarkaana ay u badantahay inay u dhinteen qiiqa ay nuugeen.
Qiiq madow ayaa ka soo baxay qaybta sare iyadoo dab-damisyadu adeegsanayeen 28 gaari dab-damis iyo ku dhowaad 100 shaqaale si ay dabka u xakameeyaan.
Dabkii waa la damiyey, waxaana shaqaalaha gurmadku diiradda saarayaan baadi-goobka dadka la rumeysan yahay inay wali ku xayiran yihiin gudaha dhismaha.







