Home WARARKA MAANTA Dowlada Soomaaliya oo Bilaawday Tirakoobka Dugsiyada Qur’aanka.

Dowlada Soomaaliya oo Bilaawday Tirakoobka Dugsiyada Qur’aanka.

1
0

Arbaco 10, Dec 2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in wasaaraddu bilaawday tirakoob lagu samaynayo dugsiyada Qur’aanka, kuwaas oo intooda badan ku shaqeeya xaalado aan ku habboonayn waxbarashada carruurta.

Roobow ayaa sheegay in ujeeddada tirakoobkani tahay in lagu qiimeeyo xaaladda iyo baahiyaha dugsiyada Qur’aanka, si wasaaraddu u qorshayso miisaaniyad loo qoondeeyo, lana daboolo cabashooyinka muddooyinkan soo baxayay ee ku saabsan goobaha ay ku yaalliin dugsiyadan.

“Wasaaraddu waxay wadaysaa tirakoobka dugsiyada Qur’aanka, xataa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulankii culimada ka sheegay in kuwa badani ku yaalliin meelo aan ku habboonayn, Waxaan hubin doonaa macallimiinta iyo duruufahooda,” ayuu yiri Wasiir Roobow.

“Hore miisaaniyad looma qoondeyn, laakiin dowladda wixii ay awoodo ayay kaga qayb qaadan doontaa horumarintooda.” ayuu warkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale, Wasiirka Awqaafta ayaa si adag u dhaliilay waalidiinta qaarkood oo uu sheegay in ay sameeyaan takoor u dhexeeya carruurta dhigata dugsiyada Qur’aanka iyo kuwa dhigta iskuulada caadiga ah, gaar ahaan dhanka labiska iyo daryeelka.

“Dadka qaarkood sidaan ayay u dhaqan yihiin, Tusaale ahaan, cunuga Qur’aanka dhigta waxaa lagu diraa dhar duug ah oo guriga yaal, halka cunuga iskuulka dhigta loo tolaayo dhar wanaagsan oo la feereeyo, Waxaan ka rabnaa waalidiinta in carruurtu ku qiimeeyaan waxbarashada Qur’aanka oo loo labbiso si sharaf leh,” ayuu ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here