Home WARARKA CAALAMKA Dowladda Ingiriiska oo Cunaqabatayn kusoo rogaytay kooxda RSF

Dowladda Ingiriiska oo Cunaqabatayn kusoo rogaytay kooxda RSF

35
0

Jimco 12, Dec 2025 {CBB} Dowladda Ingiriiska ayaa maanta ku dhawaaqday in ay cunaqabatayn kusoo rogtay saraakiisha sare ee Kooxda Gurmadka Degdega ah ee RSF kaddib markii gumaad xooggan ay ka gaysteen Magaalada Al-Faashil ee Gobolka Daarfuur.

Bayaan kasoo baxay UK ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha Kooxda RSF Janaraal Cabdiramaan Xamdaan Dagalo, ku xigeenkiisa ahna walaalkiis Janaraal Xamadti lagu soo rogay cunaqabatayntaan sida warka loo dhigay.

Saddex sarkaal oo kale ayaa qayb ka ah cunaqabataynta kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qayb ka ahaayeen dhibaatooyinka ay gaysatay Kooxdaan markii ay gacanta ku dhigtay magaalada keliya gacantooda ka maqnayd ee Al-Faashir.

Dalal badan ayaa lagu wadaa in ay qaadaan tallaabo tan lamid ah maadaama beegsigii tooska ah ee Sarkaalka lagu magacaabo Abuu Lu’lu’ uu ka gaystay Magaalada Al-Faashir ay bar-madow ku noqotay Kooxdaan garabka ka heleysa Isutagga Imaaraatka Carabta.

Ingiriiska ayaa dhowaan qudhiisa waxaa lagu xusay warbixinno kala duwan oo soo baxay in Gaadiid dagaal oo uu ka iibiyay Isutagga Imaaraatka Carabta lagu gubay dagaallada ka socda Suudaan inkasta oo ilaa haatan aanay London arrintaas is gaar ah uga hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here