Jimco 12, Dec 2025 {CBB} Abdi Nor Iftin, oo loo yaqaan Somali Cowboy, ayaa wareysi uu siiyey FOX News dhaleeceyn u jeediyay Soomaalida ku nool dalka Mareykanka- Wuxuu sheegay in marar badan la weydiin jiray qabiilkiisa ka hor inta aan la weydiin waxbarashadiisa ama shaqadiisa.
Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale la weydiin jiray sababta uusan ugu jirin nidaamka cayrta ay dowladdu siiso dadka aan shaqayn, isagoo sheegay inuu ku jawaabi jiray: “Halkan waxaan u joogaa inaan shaqeysto.”
Wareysiga FOX News ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah Soomaalida uu la kulmay ay caadi u tahay in ay marka hore isweydiiyaan qabiilka, halkii ay ka weydiin lahaayeen iskuulka uu qofku dhigto ama shaqada uu qabto. Wuxuu sheegay inuu doorbiday inuu la dhexgalo bulshada Mareykanka, balse uu kala kulmay diidmo, iyadoo loo sheegay inaysan diyaar u ahayn is-dhexgal.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ay weydiisay FOX News oo la xiriirtay in 80% Soomaalida ku nool Mareykanka ay ku noolyihiin lacagaha taageerada dowladda, ayuu yiri inuusan arrintaas la yaabayn, maadaama sida uu sheegay Soomaalida ku nool Soomaaliya, oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 20 milyan, ay ku tiirsan yihiin lacag qiyaastii boqol doollar ah oo qoysaskooda bishii uga timaadda dibadda.







