Jimco 12, Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha dalka Vietnam, Lương Cường ayaa waraaqaha aqoonsiga denjirenimo ka guddoomay Danjiraha JFS Hodan Cismaan oo noqonaysa diblomaasigii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee si rasmi ah loogu aqoonsado Vietnam heer danjire, iyada oo loo qaabiley si maamuus-sare leh.
Danjire Hodan ayaa JFS u fadhida dalka Shiinaha & sida oo kale qaar ka mid ah dalalka Koonfur-bari Aasiya.
Vietnam maanta waa mid ka mid ah dhaqaalaha hormuudka ka ah dunida, kuna jirta 30-ka dal ee ugu waaweyn dhaqaale ahaan, iyadoo si xawli ah u kobcaysa, iyada oo khibrad muuqata u leh dhinacyada warshadaha, beeraha, wax-soo-saarka iyo ganacsiga.







