Home WARARKA MAANTA Guddoomiye Cabdikariin “Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir waalooyaabaa doorashada soo socota”

Guddoomiye Cabdikariin “Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir waalooyaabaa doorashada soo socota”

33
0

Sabti 13, Dec 2025 {CBB}Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan & Soohdimaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in doorashada soo socota ee golaha deegaanka looyaabo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ee hadda xilalka haya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo dadka cusub ee tartamaya ay u siman yihiin Guddi ahaan oo qofkii cod badan hela uu metali doonno Bulshada Degmooyinka ee dhowaan codayn doonna.

Cabdikariim ayaa meesha ka saaray in Guddoomiyeyaasha hadda degmooyinka maamula ay ka fursad badan yihiin musharrixiinta kale ee loolanka kala dhaxeeya maadaama ay uwada siman yihiin Guddiga maamulaya Doorashada Dadweyne.

“Adduunka Doorasho oo dhan marka aad fiiriso qofka markaas kursiga jooga kama tago oo waana lala tarmayaa oo shaqada ka taga lama dhaho marka lala tarmayo, xogta aan hayo marka aan fiiriyay waalooyaabaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir hadda jooga” Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan.

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada Dadweynaha ee Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir billaaban doonto 25ka Bishaan, waxaa u tartamaya musharrixiin kala metalaya Ururro Siyaasadeed oo maray habraaca Guddigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here