Home WARARKA CAALAMKA Malaayiin Muslimiin ah oo la sheegay in ay lumin karaan dhalashada Ingiriiska

Malaayiin Muslimiin ah oo la sheegay in ay lumin karaan dhalashada Ingiriiska

32
0

Axad 14, Dec 2025 {CBB}Wargayska lagu magacaabo Middle East Eye ayaa warbixin uu qoray waxa uu ku sheegay in Malaayiin Muslimiin ah ay waayi karaan ama lumin karaan Dhalashada Dalka Ingiriiska iyada oo Xukuumadda London ay qaadayso tallaabooyin kala duwan.

Warbixintaan cusub ayaa lagu sheegay in marka la eego awoodaha Xa-dhaafka ah ee qarsoodiga ah ee UK ay sababi karaan in la adkeeyo qaadashada Dhalashada Dalkaas, waxaa sidoo kale quus galaya dadkii horay u qaatay oo dhankooda culayska dareemaya.

Cilmi-baaris lagu soo ogaadan sahankaan lasoo bandhigay waxa uu culayska ugu badan korayaa Dadka u dhisay Dalalka Afrika, Koofurta Aasiya & Bariga Dhexe oo intooda badan Muslimiin ah kuwaas oo Ingiriiska qaarkood sanado fog ay ku nool yihiin ama ku noolaayeen waalidkooda.

Dalalka Dadkooda culayska korayo ee suuragalka ah in ay lumiyaan dhalashada labaad ee Ingiiriska ay ka haystaan waxaa kamid ah Pakistan, Bangladesh, Soomaaliya, Nigeria iyo dalal kale oo dhaca Bariga Dhexe.

UK waxa ay leedahay Bulsho Muslimiin ah oo ballaaran kuwaas oo xitaa xilal kala duwan ka qabta Dowladda, waxa ay dadkaas astaan u yihiin sida ay ugu dhex nool yihiin Bulsho kala duwan oo ku nool Dalkaas inkasta oo dusha laga saaro dambiyada qaar.

Maya Foa oo ka shaqaysa Hay’ad u doodda Xuquuqda Aadanaha ayaa walaac ka muujisay in Bulsho dhan 9 Milyan oo qof laga qaadi karo xuquuqdooda muwaadinnimo iyada oo taasi dalkaas ka dhigi doonta meel lagu faquuqo dadka ama lagu takooro.

Dhalashada oo ah xuquuq ayay ku sifaysay in aysan ahayn deeq ama haddiyad qofka la siiyo, waxa ay ka digtay in nidaamka heerka hoose lagu karkarinayo ee ka dhanka ah Bulshada Muslimiinta oo saamayn kara kuwa hadda jooga iyo jiilka Mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here