Isniin 15, Dec 2025 {CBB}Magaalada Muqdisho waxaa saaka soo gaaray wafdi ka socda dalka Sweden oo uu hoggaaminayay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamig ah & Ganacsiga Dibadda Dibadda ee dalkaas, Benjamin Dousa.
Wafdigaan waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo kulamo kooban ay wada qaateen.
Benjamin & Biixi ayaa is dhaafsaday horumarinta dhaqaalaha, xoojinta iskaashiga labada Dal, Fursadaha Maalgashiga ee Soomaaliya & arrimo kale, waxaana ay ku ballameen in ay diiradda saaraan fulinta qodobada ay kawada hadleen.
Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah & Ganacsiga Dibadda ee Sweden, Benjamin Dousa ayaa labo cisho ku sugnaan doonna Magaalada Muqdisho, muddada uu caasimadda ku sugan yahay waxa uu la kulmayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sweden ayaa xoogga saaraysa fursadaha Maalgashiga Soomaaliya, waxa ay 3dii Bishaan December 2025 usoo dirtay Safiir cusub oo ka shaqaynaya dardargelinta iskaashiga labada Dal si loo gaaro qorshayaasha lagu xoojinayo cilaaqaadka Xukuumadaha Muqdisho & Stockholm.







