Kabtankii hore ee Chelsea, John Terry, ayaa Cole Palmer ku tilmaamay xiddiga lambarka 10-aad ee ugu fiican adduunka waqtigan.
Chelsea ayaa Sabtidii ku soo laabatay wadadii guulaha, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Everton garoonka Stamford Bridge. Cole Palmer ayaa kooxda martida loo ahaa horkacay daqiiqaddii 21-aad, kaddib markii uu si qurux badan u dhammeeystiray kubbad uu u bixiyay Malo Gusto. Gusto ayaana markaas laba jibbaaray goolasha Blues ka hor dhammaadka qeybtii hore, taasoo ku filnayd in kooxda galbeedka London ay qaadato saddexda dhibcood.
Terry ayaa amaanay Palmer, isagoo ku tilmaamay xiddiga xulka England inuu yahay “lambarka 10-aad ee ugu fiican kubadda cagta adduunka.”
“Waxaan aad ugu farxay inaan arko Cole Palmer oo dib ugu soo laabtay kooxda isla markaana ka ciyaaraya booska lambarka 10-aad,” ayuu Terry ka yiri TikTok.
“Ma hubo inuu jiro qof ka fiican kubadda cagta adduunka oo ka ciyaara booska lambarka 10-aad. Haddii uu jiro, Palmer hubaal wuu la tartamayaa.
“Waa ciyaaryahan aad u geesi ah, mar walbana isku dayaya inuu si degdeg ah u gooya isla markaana isku dhex tuura meelo aan fursado laga filan karin. Waa riyo xun oo daafac kasta ah marka aad la kulanto ciyaaryahan noocaas ah.”
Guushan ayaa Chelsea u qaaday kaalinta afaraad ee jadwalka Premier League.







