Arbaco 18 Nov 2026 {CBB}Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu qabtay Koobka Nabadda iyo Is-dhexgalka Bulshada Koonfur Galbeed, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta nabadda, midnimada, walaaltinimada iyo is-dhexgalka bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Munaasabadda furitaanka tartanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, saraakiil ka tirsan ciidamada amniga, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Baydhabo, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhallinyarada.
Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin dhismaha nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo abuurista fursado ay dhallinyaradu ku muujiyaan kartidooda iyo hibadooda.
Koobkan ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato dhiirrigelinta dhallinyarada, kobcinta is-dhexgalka bulshada iyo adkeynta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada Koonfur Galbeed.
Ciyaaruhu waa nabad, midnimo iyo mustaqbal wanaagsan.








