Home WARARKA MAANTA MW Soomaaliya oo xarrig jaray Laamiga Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan

MW Soomaaliya oo xarrig jaray Laamiga Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan

1
0

Arbaco 18 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarrig jaray Laamiga dhexmara Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, Dhismaha waddadaan ayaa billowday 8dii Janaayo 2026 xiligaas oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Dhismaha waddada oo sababtay in la dumiyo guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla Hareeraha Laamigaas ayaa mar u istaagtay dib u sixidda dhismahaas laamiga soo galay iyo burbur la dhashay roobabkii xooggaa ee kol hore Caasimadda ka da’ay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Kaaraan.

Dhirirka laamiga waa 3.4 KM waana dhabbaha isku xira Isgoyska Fagax iyo Xaawa Casir, marka laga hadlo labadiisa dhinac maadaama uu labo jir oo is dhinac socda uu yahay waa 7 KM sida ay sheegeen injineeraddii dhisay laamigaas, lacagta ku baxday ayaa laga qaaday dhismaha hareeraha laamiga ku yaalla sida ay Mustaqbal Media u sheegeen ilo deegaanka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay dadkii ku sugnaa goobta Xarrig jarka Laamiga Jamhuuriya ayaa ku dardaarmay in ay ilaalsadaan laamigaan oo muhiimad gaar ah u leh bilicda iyo isu socodkooda, waxaana uu bogaadiyay cid weliba oo door ka qaadatay dhaqaalihii lagu dhisay iyo wax weliba oo laf dhar u ahaa laamigaas 30ka Mitir ah sida uu hadalka u dhigay.

Geesta kale Waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in Soomaaliya ay kasoo kabatay burburka isla markaana ay cagaha saartay dhabbaha horumarka & dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah sida waddooyinka si loo fududeeyo isu socodka Dadka iyo Gaadiidka waa sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here