Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe oo dib ugu...

Sawiro;-Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe oo dib ugu soo laabtay Baydhabo

1
0

Arbaco 18 Nov 2026 {CBB}Baydhabo, Baay – Hoggaamiyaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib safar shaqo oo maalmo qaatay oo uu ku kala tegay magaalooyinka Dhuusamareeb, Jowhar, Muqdisho iyo Baraawe oo ah caasimadda Dowladda Koonfur Galbeed.

Safarka Hoggaamiyaha ayaa la xiriiray kulamo iyo wadatashiyo uu la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo looga hadlay arrimaha dowlad-dhiska, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, nabadda, amniga iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.

Wafdiga uu hoggaaminayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa garoonka diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaanno, maamulka gobolka Baay iyo degmada Baydhabo, saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isagoo la hadlayay dadkii ka qeybgalay soo dhoweyntiisa, ayuu Hoggaamiyuhu sheegay in safarkiisa shaqo uu ahaa mid muhiim u ah dardargelinta howlaha dowladnimada, xoojinta xiriirka hay’adaha kala duwan iyo xaqiijinta amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo maamulka, amniga iyo adeegyada bulshada, si loo xaqiijiyo nabad iyo horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here