Arbaco 18 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eedeyn culus u jeediyay Isutagga Imaaraatka Carabta isaga oo diiradda saaray kala qaybinta Dalka iyo iska hor keenista Dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay jabtay Kalsoonidii weyneed ee Soomaaliya siisay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta isla markaana farageliyay Siyaasadda Dalka.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kahor yimid heshiisyadii Imaaraatka ay la galeen Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maamulka Waqooyi Galbeed isaga oo dhinac iska dhigay Awoodda heshiisyada masiiriga ah sida Maamulka Dekedaha, Garoomada, diyaarinta Ciidamo iyo dhismaha Difaacyo Amni.
“Imaaraatka waxaan u furnay albaabada walaaltinimada balse hadda waan xirnay maadaama uu ka shaqeeyay falal liddi ku ah midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed, waa dambi in heshiisyo la galo Dowlad Goboleedyada, lana dhiso Ciidamo dalka lagu dhibaataynayo, sidoo kale waxa uu diiday in uu saxiixo warqaddii dacwadda ka dhanka ahayd Israa’iil ee kusoo xadgudubtay Midnimada Dalka” Sidaasi waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
10 bil kaddib kolkii Dowladda Federaalka ay xiriirka u jartay sidoo kalena ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii ay wadagaleen waxa uu ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso Soomaaliya, waxaana uu ku goodiyay in Soomaaliya ay marayso waddo weliba oo ay isaga difaacayso faragelinta Imaaraatku ku hayo Dalka waa haddii ay ka joogsan wayso sida uu hadalka u dhigay.







