Home WARARKA MAANTA Puntland oo ku dhawaaqday hawlgal Waji Cusub ah oo lagu qaadayo buuralayda...

Puntland oo ku dhawaaqday hawlgal Waji Cusub ah oo lagu qaadayo buuralayda Calmadow,

32
0

Talado Dec 16, 2025 {CBB} Dawlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu wado diyaargarowga hawlgal millateri oo uu ku qaado deegaannada buuralayda ah ee Calmadow ee gobolka Sanaag, kaas oo ka dhan ah kooxda al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabillaahi Dani oo ka hadlayay munaasibad ay lahaayeen booliska Puntland ayaa sidoo kale ka warbixyay halka uu marayo hawlgalkii Calmiskaad.

“Waxaan rajaynayaa, in hawlaglkii Hilaac muddo dhow la ogaan doono in uu soo afjarmay. Guushiisii ayaa la joogaa. Waxaan rajaynaynaa in aanu jirin qof Daacish ah oo god ku jira. Arrinta ku saabsan Calmadow, waxa socda diyaargarow. Cidammadii waa la diyaarinayaa. Qorshayaashii dawladdu waa ay socdaan. Kii dadweynaha looga baahnaana abaabulkiisa ayaa lagu guda jiraa,” ayaa uu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here