Sabt 27 Dec , 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhowyey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa soo dhaweeyey Maamulka Degmada, Odayaasha Dhaqanka, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiisha Amniga. Ujeeddada safarka shaqo ayaa la xiriirta u kuurgalidda xaaladaha guud ee degmada, Arimaha Bini’addanimada, kormeeridda adeegyada bulshada, iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda Degmada.
Hoos Ka Daawo Sawirada:-










