Axad 28,Dec 2025 {CBB}Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta hortagaya dhammaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah oo dalka wajahayo.
Farriin rasmi ah oo loo diray Xildhibaanada ayaa lagu sheegay in kulankan loogu magacdaray “Kulan aan caadi ahayn”, taas oo muujinaysa muhiimadda iyo degdegga arrimaha laga hadlayo.
Kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh si faahfaahsan uga hadli doonaa xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah diiradda u saari doona go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Tallaabadaasi ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid si toos ah u halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay in Xildhibaanada lagu wargeliyo dadaallada diblomaasiyadeed ee socda, laguna helo mowqif qaran oo mideysan oo Baarlamaanka iyo Dowladda Federaalka ay ka wada qaataan xaaladda taagan.
Kulankan degdegga ah ayaa kusoo aadaya xilli uu Madaxweynuhu hoggaaminayo olole diblomaasiyadeed oo ballaaran oo caalami ah, kaas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo lana fashiliyo tallaabada ay Israa’iil qaadday, isla markaana lagu xoojiyo taageerada caalamiga ah ee lagu difaacayo qaranimada Soomaaliya.







