Home WARARKA CAALAMKA Shir sanadeedka Heritage oo maanta ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb

Shir sanadeedka Heritage oo maanta ka furmayo Magaalada Dhuusamareeb

26
0

Talaado 30, Dec 2025 {CBB}Magaalada Dhuusareeb Xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa maanta gelinka dambe lagu wadaa in uu ka furmo shir sanadeedka Machadka Heritage oo qorshuhu ahaa in uu furmo 28kii Bishaan balse dib ugu dhacay faragelinta Israa’iil ay Dalka ku samaysay darteed.

Shirkaan waxaa ka qaybgalaya Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada, madax xilal dalka kasoo qabatay, Bulshada Rayidka & Marti dhinacyo kala duwan ka socota oo lagu casuumay ka qaybgalkiisa.

Hal ku dhigga sanadkaan waa: Hannaanka ay Soomaaliya ku Gaari Karto Aragti Siyaasadeed oo Midaysan, Jaangoynta Yoolalka 2026-2030, waxaa madasha ka dhacaya doodo iyo aragti is dhaafsi ugu danbayn lagu soo dari doonno warmurtiyeedka.

Shirarka Machadka Heritage ayaa ka dhaca Gudaha Dalka iyo Dibaddiisa, waxaa lagu casuumaa dadka doorka firfoon ku dhex leh Siyaasadda & qodobada kale ee hoostaga ajandaha xiligaas looga hadlayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here