khamiis 01, 01 2026 {CBB}Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 1da bisha Janaayo waxaa si rasmi ah Soomaaliya ula wareegaysa xilka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Madoobay.
Xilkaan ayaa waxaa bil kasta isu beddela 15-ka xubnood ee Golaha, waxaana ka hor inta aanay Soomaaliya qaban hayay xubin kale oo ka tirsan Golaha Ammaanka.
Waajibaadka Madaxweynaha Golaha waxaa kamid ah dejinta ajandaha kulamada, guddoominta fadhi kasta oo rasmi ah iyo wadatashiyada gaarka ah, iyo matalaadda Golaha marka la soo saarayo war-murtiyeedyo ama bayaano.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu door ka ciyaaraa fududeynta wada-hadallada, isku-dhawaanshaha aragtiyada kala duwan ee xubnaha, iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada geeddi-socodka go’aan-qaadashada.
Tillaabadaan ayaa Soomaaliya u noqon doonta fursad lagu muujinayo horumarka dalka ee dhinaca diblumaasiyadda iyo in la soo bandhigo xaaladda amni ee Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ayaa ka kooban 15 xubood oo shan ka mid ah ay joogta yihiin sida Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska, UK, iyo Ruushka.







