Home WARARKA CAALAMKA Dad ku dhintay dhulgariir cabirikiisu yahay 6.5 oo ku dhuftay Mexico

Dad ku dhintay dhulgariir cabirikiisu yahay 6.5 oo ku dhuftay Mexico

16
0

Sabtii 3, Jan 2026 {CBB}Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Mexico Jimcadii.

Warbaahinta CBS, ee Maraykanka  ayaa sheegtay in ilaa fiidnimadii jimcaha waqtiga maxaliga ah ee dalkaas, labo qof ay dhinteen halka dhowr kale ay dhaawacmeen.

Xudunta dhulgariirka cabirkiisu ahaa 6.5 ayaa ku dhawayd magaalada dalxiiska caanka ah ee Acapulco, oo ku taal agagaarka San Marcos ee gobolka koonfur-galbeed ee Guerrero.

Gobolka Guerrero, guddoomiyaha gobolka Evelyn Salgado ayaa sheegtay in haweeney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku dhimatay, halka Clara Brugada, duqa magaalada Mexico City, ay xaqiijisay geerida nin 60 jir ah. Waxay sidoo kale sheegtay in 12 qof oo kale ay dhaawacmeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here