Home WARARKA MAANTA DFS oo sheegtay in la beegsaday xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku...

DFS oo sheegtay in la beegsaday xaruntii ugu weyneed Al-shabaab ay ku laheyd Gobolka Baay.

23
0

Sabtii 3, Jan 2026 {CBB}Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal militari oo culus ka fuliyay deegaanka Buula Fuuleey ee gobolka Baay, halkaas oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

War rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Danab, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen hawlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo bartilmaameedkiisu ahaa xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buula Fuuleey.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa beegsaday goobo ay deggenaayeen horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyay idaacad ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku faafin jireen dacaayadooda, taas oo ku taallay isla deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya weli ma soo bandhigin magacyada xubnaha Al-shabaab ee la dilay, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogayaasha ama maleeshiyaadka lagu khaarijiyay hawlgalkan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo laba maalmood ka hor weerar la mid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo xoojineysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here