Isiin 5, Jan 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo xubnaha Mucaaradka si uu ugala hadlo tabashooyinka Siyaasadeed ay qabaan si loo qabto kulan weyne looga hadlayo arrimaha siyaasadda Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, waxa uu kala hadlay tabashooyinka uu qabo iyo sida loo qaban karo kulan weyne ay isugu imaanayaan Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka.
Qoraal uu soosaaray Xisbiga Himilo Qaran ee guddoomiyaha uu u yahay Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu hoygiisa ugu tagay hoggaamiyaha Xisbigaas.
Waxyaabaha ay kawada hadleen oo ah tabashooyinka siyaasadeed ayuu Xisbigu sheegay in ay kawada heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed sida lagu sheegay warsaxafadedka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.
Kulamada ayaa sii socon doonna iyada oo lagu wado in la ballaariyo oo laga qaybgeliyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, sidoo kale waxaa qayb ka ah Madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay.
La soco wixii kasoo kordha







