Isiin 5, Jan 2026 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan gaar ah ka yeeshaan Xaaladda Dalka, Xadgudubka faragelineed ee Waddanka lagu sameeyay iyo qodobo kale sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulankaan.
Shirka Golaha Wasiirrada waxaa lagu wadaa in uu ka qaybgalo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhagaysan doonna warbixinnada isla xisaabtanka ee Xukuumadda Dan-Qaran.
Qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo Amniga, la Dagaalanka AS, Xaaladaha Abaaraha ee Dalka ka jira, Iskaashiga Dalalka ilaalinaya midnimada Soomaaliya & qodobo kale oo Mustaqbalka Dalka muhiim u ah.
Marka uu soo dhammaado kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa lagu wadaa in war laga soosaaro qodobada shirkooda kasoo baxay.
Halkaan kala soco wixii kasoo kordha







