Talaado 06 Jan 2026 {CBB}
Golaha Nabadda & Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa maanta fadhi degdeg ah ka leh go’aankii Israa’iil ay ku sheegtay in ay Aqoonsatay Somaliland isla markaana ugu xadgudubtay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka xubnaha ka ah Golahaan ayaa kulankaan yeelanaya, waxaana la dhagaysan doonnaa dacwadda ay Soomaaliya ka qabto faragelintaan lagu sameeyay iyo sida ay ugu baahan tahay in goluhu meel fog ka istaago uuna cambaareeyo.
Kulankaan waxaa codsatay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar iyada oo muujisay wellwel ku saabsan sida ay u saamayn karto haddii Israa’iil ay Saldhigato Deegaannada Maamulka Somaliland sida hadalka loo dhigay.
Dalal badan oo Afrika ah kana mid ah shirkaan ayaa horay u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku faragelisay Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, waxaa la filayaa in markale ay madasha ka sheegeen mowqifkooda ku saabsan arrintaan.







