Khamiis 8 Jun 2026 {CBB} Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in la musuq maasuqay Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa lagu xusay in raashinka yaallo goob ammaan ah, isla markaasna ballaarin lagu sameynayo Dekadda Muqdisho.
“Dowladda waxay caddeynaysaa in agabka ay wali ku jiraan gacanta Hay’adda Cuntada Adduunka WFP, waxaana qeyb ka ah gargaar uu ku deeqay Mareykanka, bakhaarka WFP ee su’aashu ka taagan tahay wuxuu ku yaalla Dekadda Muqdisho oo ay ka socdaan howlo balaarin ah” ayaa lagu yiri Bayaanka Dowladda.
Sidoo kale, qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Iyada oo laga jawaabayo walaaca ka dhashay hawlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka waxay sii waddaa dib-u-eegista arrintan iyadoo u mareysa guddi farsamo oo ka kooban hay’adaha kala duwan, iyadoo lala kaashanayo saaxiibbada gargaarka bini’aadantinimo”
Hadalka Dowladda ayaa ku soo aadeysa xilli Mareykanka ku dhawaaqay inuu joojiyay gargaarkii binu aadanimo ee uu siin jiray Soomaaliya.raashin ay qaar kamid ah uu deeqay Mareykanka, kaasi oo ku keydsanaa Bakhaar ay Hay’adda WFP ku laheyd Dekadda Muqdisho.







